Sida ay daabacday Jariirad lagu magacaabo The Indian Express, maxaabiis Soomaaliyeed oo gaaraysa 15 qof oo Dhalinyaro loona heystay falal burcad Bacdeednimo ah ayaa laga sii daayay Xabsiyo kuyaala Dalkaasi India.
Siidaynta maxaabiistaasi ayaa timid markii ay dhameysteen wati xukun oo ay horey ugu ridday maxakamad kutaala Dalkaasi,xukunkaasi oo gaarayay ilaa 7 sano oo xabsi ah maadaama ay ku eedeysanaayeen Burcadbadeednimo.
Jaraa’ida The Indian Express ayaa warbixin uu ka qoaray xaaladda dadkaasi maxaabiista Soomaaliyeed, ku xusay in weli ay baaqi ku yiyiin gudaha Daklkaasi India,ayna ku nool yihiin meel dhanka Koonfureed kaga aadan magaalada Mumbai ee Dalkaasi.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in ay jiraan maxaabiis kale,kuwaasi oo gaaraya 27 qof,waxaana qorshuhu uu yahay in mar qura ay dalkaasi ka soo baxaan dhamaantooda,iyadoo la sugayo 27ka kale oo la sheegay waqtigooda uu ka harsan yahay oo qura maalmo kooban,taasi oo keentay in la isla sugo.
Wadanka India ayaa kamid ah wadamad augu badan oo ay ku xiran yihiin maxaabiista Soomaalida,kuwaasi oo loo heysto oo qura fal dambiyeed la xiriira Burcad Badeednimo,inkastoo sanadihii ugu dambeeyey uu hoos u dhac ku yimid weeraradii afduubka maraakiibta.
Sido kale bisha February ee sanadkan ayaa lafilayaa in Soomaaliya dib loogu soo celiyo maxaabiis kale oo iyana ku xiran xabsiyo kaladuwan oo isla Dalkaasi kuyaala,maxaabiista haatan la sii daayay ayaa horey racfaan u qaatay oo ah in laga qafiifiyo waqtiga,balse waxaa diiday maxakamad kutaala dalkaasi,oo go’aamisay in xukunkoodi ay dhameystaan.
Waxaa dhalinyaradaasi xabisyada Dalkaasi India lagu xiriray sanadkii 2011-kii, kuwaasi oo ilaa waqtigaas ahaa maxaabiis,xaaldooda ayaa u muuqataa mid aad u liidata,balse waxay danaynayaan in mar qura ay arkaan iyagoo jooga dhulkooda Hooyo.