Dawladda Cumaan ayaa sheegtay in ay dalkeeda soo gaareen 10 maxbuus oo laga soo daayay xabsiga millatariga Maraykanka ee Guantanamo Bay.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Cumaan ayaa sheegtay in dawladdu ay ka jawaabtay codsi uga yimid xukuumadda Maraykanka.
Cumaan waxay intaas ku dartay in ogolaansha maxaabiista ay ku qaaday xaaladda bannii’aadamnimo ee raggaasi ay u baahan yihiin.
Warkaas qoraalka ah ee dawladdu aysoo saartay waxay ku sheegtay in si ku meel gaar ah hoy uga siin doonaan dalkooda Cumaan.
Ilaa iyo hadda lama shaacinin dalalka ay ka soo kala jeedaan maxaabiistaas laga soo daayay xabdiga Guantanamo Bay.
Boqortooyada Cumaan ayaa bishii koobaad ee sanadkii hore ee 2016 aqbashay 10 maxbuus oo laga soo daayay isla xabsigaa oo u dhashay dalka Yemen, sanadkii 2015-kana lix kale ayay la wareegeen.
Dalka ay Sacuudiga ayaa isna aqbalay in lagu wareejiyo.
Dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa isna sanadkii 2015-kii la wareegay 15 maxbuus, taas oo ahayd tiradii ugu badnayd ee dal uu aqbalo.
Qorshahaas ayaa qayb ka ah balan qaadkii Obama ee ahaa in uu xiri doono xabsigaas.