Maxaa Kasoo Kordhay Qorshaha Barcelona Ku Iibineyso Andre Gomes?

Barcelona ayaa soo afjartay saxiixa cajiibka ah ee Philippe Coutinho oo kaga yimid Liverpool, laakiin haddii wargeyska The Sun ayaa rumeysan in kooxda reer Catalan ay diyaar u tahay inay lumiso mid kamid ah xiddigaheeda qadka dhexe.

Xiddiga reer Portugal ee Andre Gomes ayaa ka dhaqaaqi doona kooxda, sida uu ku waramayo wargeyska La Gazzetta dello Sport.

24 jirkaan khadka dhexe ayaa ku dhibtooday inuu saameyn badan ku yeesho Barcelona, tan iyo markii uu kaga soo wareegay kooxda Valencia.

Ka dib markii uu seegay saxiixa Ross Barkley, Mauricio Pochettino ayaa lagu soo waramayaa inuu raadinayo xiddig khadka dhexe oo awood u leh inuu ciyaaro meelo kala duwan oo bartamaha garoonka.

Barcelona ayaa diyaar u ah inay iska iibiso Gomes haddii lasoo bandhigo lacag gaareysa £ 30- £ 35 milyan oo ginni.

Andre Gomes ayaa laba kulan oo La Liga kusoo bilowday xilli ciyaareedkan, laakiin waxaa macquul ah inuu udhaqaaqo Premier League.