Masjid ku yaalla duleedka Muqdisho oo soo dumay & 29 oo ku dhaawacantay

Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in maanta salaadii jimcaha iyadoo tukashadeeda lagu guda jiro uu soo dumay Masjid ay ku dukanayeen dad aad ufara badan.

Ku dhowaad 29 qof ayaa ku dhaawacantay oo ka mid ahaa dadkii Masjidka ku dukanaayay, iyadoo wali aan la ogeyn dadka halkaasi ku dhintay.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa waxa ay gaareen goobta uu ku soo dumay Masjidka, iyagoo halkaasi ka wada ugurmashada dadka halkaasi ku waxyeeloobay.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in Masjidka uu ahaa mid dhismo uu ku socday.

Wixii ku soo kordha la soco