Madaxweynaha dowladda Masar, Cabdulfataax al-Sisi, ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo uu dalkiisa galayo muddo 3 bilood ah, tallaabadaasi oo ka dambeysay weerarradii shalay lagu qaaday laba kaniisadood oo ay leeyihiin Qibdhiyiinta, kuwaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 45 qof.
Madaxweyne al-Sisi ayaa horay u amray in ciidanka milateriga Masar uu howlgalo ka sameeyaan guud ahaan dalka oo dhan.
Ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ayaa sheegay in uu fuliyay weerarradaasi ka dhacay kaniisadaha ku yaalla magaalooyinka Tanta iyo Alexandria.
Masiixiyiinta laga tirada badan yihiin ee Masar ayaa waxaa horay loola beegsaday weerarro noocan ah.