Home Wararka Masar oo dishay 16 ka mid ah Kooxda Daacish

Masar oo dishay 16 ka mid ah Kooxda Daacish

SHARE

Dowladda Masar ayaa shaaca qaaday in ay dishay 16 kamid ah dagaalamayaasha Islaamiyiinta ee ka dagaalama dalka Masar tan iyo markii gacanka Sinai ay ka bilaabeen howgal ballaran oo ka dhan ah kooxahaasi.

Milateriga Masar ayaa sheegay in ay sidoo kale burburiyeen dhowr iyo toban goobood iyo gawaari ay lahayeen kooxahaasi , waxaana ay intaa ku dareen in la xiray soddon qof oo looga shakiyaya inay katirsanyihiin kooxahaasi Masar ka dagaalama.

Afhayeen u hadlay milateriga Masar ayaa horay u sheegay in howgalkani lagu ballaarin doono ilaa iyo dhulka saxaraha ee Masar.

Abdel Fattax al-Sisi ayaa milateriga Masar ku amray in muddo saddex bilood gudahood ay kaga adkadaan dagaalamayaasha Islaamiyiinta, kadib markii kooxahaasi ay bishii Novembar ee sannadkii hore ay weerareen Masjid ku yaala Masar, halkaa oo ay ku dileen inkabadan saddex boqol oo qof.