Mas baajiyay duulimaad u socday Dubai

Mas baajiyay duulimaad u socday Dubai

SHARE

Diyaarad rakaab oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Emirates oo lagu waday inay ka duusho Cumaan tagtana magaalada Dubay ayaa la baajiyay ka dib markii shaqaalaha ay mas ku arkeen gudaha diyaaradaasi.

Duulimaadkaasi oo tirsigiisu ahaa EK0863 ayaa la baajiyay markii ay shaqaalaha ku arkeen maskan qeybta boorsooyinka la geliyo ee diyaardda.

Afhayeen u hadlay shirkadda diyaaradaha Emirates ayaa sheegay in maskan la arkay ka hor inta aysan rakaabku fuulin diyaaradda.

Baaritaan ayaa lagu sameeyay diyaaradda waxaana laga saaaray maskaasi. Waxaa duulimaadkaasi dib loo howlgeliyay dhowr saacdood ka dib.

Emirates ma sheegin nooca uu ahaa maskaasi iyo khatartiisa.

Ma ahan markii ugu horreysay oo uu mas iskudayo inuu si lacag la’aan ah ku raaco diyaarad.

Bishii Nofeember ee sanadkii la soo dhaafay, rakaab saarnaa diyaarad ka duushay dalka Mexico ayaa argagax uu soo foodsaaray ka dib markii gudaha diyaaradda oo hawada ku jirta lagu arkay mas dheer.