Halyeega weyn Martin Keown ee Arsenal guulo taariikhi ah la gaaray Gunners-ka ayaa siweyn uga carooday kooxdiisa in xili hore EPL guuldaro kala kulmeen naadiga Stoke City.
Martin Keown wuxuu si gaar ah dhaliil xoogan ugu soo jeediyay Mesut Ozil kulankii Arsenal guuldaro 1-0 kala kulantay naadiga Stoke City.
Martin Keown wuxuu yiri “Arsenal ma qaadi karto cayaaryahan sida Ozil oo kale. Waa inuu isaga is fiiriyaa isna ogaadaa inuusan kooxda waxba u qaban karin hadii uusan xaaladan iska badalin!”
Martin Keown ayaa ku dhaliilay Ozil raacasho la’aantiisa iyo inuu khadka dhexe garoonka iska dhex socday markii Arsenal ay qaldeen kubadii goolka looga dhaliyay Arsenal halka uu xidigaan Jarmalka ah kubada raacan lahaa.
Ma ahan markii ugu horeesay ee Ozil dhaliil loogu soo jeediyo qaab cayaareedkii qabowga u badan waxaana EPL laga cayaaraa kubad waali ah oo karti iyo awood u baahan.