Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay sheegtay in ay ka shaqeyn doonto sidii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay guud ahaan ula wareegi lahaayeen Ammaanka Soomaaliya ,islamarkaana loo saari lahaa Ciidanka AMISOM ee ka howlgalla Soomaaliya.
Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in sanadyada soo socda ay si weyn ula jibaari doonto Tababarada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Mareykanku waxaa uu ka shaqeyn doonaa sidii AMISOM ay Soomaaliya looga saari lahaa , islamarkaana ciidanka Soomaalida ah ay ula wareegi lahaayeen Guud ahaan Ammaanka Soomaaliya.
General Jon Jensen oo ka tirsan Taliska Milliteriga Maraykanka ee AFRICOM oo la hadlay Wargeyska The Nation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa Wacad ku maray in ay diirada saari doonaan horumarinta Ciidanka xoogga Soomaaliya.
General Jon Jensen ayaa Carabka ku adkeeyay in sida Keliya ee loo sugikaro Ammaanka Soomaaliya in ay tahay in la helo Ciidamo Soomaali ah oo u tababaran xaqiijinta Amniga.
Mas’uuliyiin ka tirsan taliska dowladda Mareykanka ee Afrika ayaa dhawaan ayaa sheegay in ay codsanayaan in la kordhiyo dagaalka Al-Shabaab.
Dowladda Mareykanka ayaa hadda Muuqata in ay si weyn u taageerayso dowladda cusub ee Soomaaliya.