Aqalka wakiillada ee Mareykanka, oo xisbiga Jamhuuriga uu ku badan yahay, ayaa u codeeyay in la billaabo hannaanka lagu baabi’inayo caymiska caafimaadka ee Obamacare.
Waa ceymis ay dad badan awoodaan oo ay ka faa’ideen malaayiin qof.
Aqalka Sanetka ayaa horey u meelmariyay tallaabadaas, oo guddiga u fasaxaya inuu billaabo qoridda sharciga looga noqonaayo ceymiska
Qaar ka mid ah xubnaha aqalka wakiillada ayaa muujiyay in loo baahan yahay in la keeno wixii lagu badali lahaa ka hor intaanan go’aan la gaarin.
Waxay doonayaa in ceymis kale oo caafimaad oo badali karo midka Obamacare lagu heshiiyo.
Laakiin, madaxweynaha la doortay, Donald Trump, oo xafiiska la wareegi doono isbuuc gudihiisa, waxa uu amaanay Congress-ka tallaabada uu qaaday.