Home Wararka Mareykanka oo sheegay in ay yareynayaan qatarta Shabaab iyo Daacish

Mareykanka oo sheegay in ay yareynayaan qatarta Shabaab iyo Daacish

SHARE
U.S. Marine Corps General Thomas Waldhauser holds a news conference at Camp Lemonnier in Ambouli, Djibouti April 23, 2017. REUTERS/Jonathan Ernst

Muqdisho-RisaalaFM- War ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareynkanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareynkanka oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii kordhin doonaan dadaalada lagu doonayo in lagu yareeyo qatarka Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish, kuwaasi oo hadda awoodooda Militari ay hoos u sii dhaceyso.

Taliyaha Ciidamada Mareynkanka ee Afrika General Thomas Waldhauser, ayaa sheegay in Ciidamada Mareynkanka ay la talin iyo caawinba ay siiyaan Gobolka, oo ay ka mid yihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Midowga Africa ee ka howlgala Soomaaliya (AMISOM), wuxuuna carabka ku adkeeyay iney ku dadaalayaan sidii ay ku dhisi lahaayeen istaraatijiyada Bariga Africa.

“Istaraatiijiyadayada Bariga Afrika waa in la dhiso awooda saaxiibadayada si loo hubiyo in laga adkaado rabshadaha ururada xag-jirka ah, ee doonaya inay waxyeellada soo gaarto gobolka, rabaana in ay waxyeeleeyaan qaarada Yurub, ugu dambeyntii waxay doonayaan in ay waxyeeleeyaan Mareykanka.” Ayuu yiri General Thomas Waldhauser, Taliyaha Ciidamada Mareynkanka ee Afrika.

Sidoo kale, Generaal Thomas Waldhauser ayaa sheegay in si fudud uga shaqeyn doonaan  sidii looga hortagi lahaa ficilada foosha xun ka hor inta aysan dhicin.

Warka ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareynkanka ee Africa ayaa ku soo aadaya xilli, June 8, 2018, howlgal si wadajir ah Jubbaland uga fuliyeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Mareynkanka laguna bartilmaameedsaday Al-Shabaab lagu dilay askari ka tirsan Ciidanka gaarka ah ee Mareynkanka afar kalena lagu dhaawaca.