Mareykanka-RisaalaFM- Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka John Kerry ayaa sheegay inuu si weyn uga walaacsan yahay go’aanka dowladda Kenya ay ku qaadatay inay ku xirto xeryaha qaxootiga Kenya ayna ku kala dirtay hay’addii qaxootiga, isla markaana ay sida deg degga ah dib ugu celinayso Boqollaal Kun oo qof oo dalkeeda gabbaad ka dhiganaya.
Waxa uu sheegay in uu ugu baaqay dowladda Kenya in ay sii waddo doorkeedii dheeraa ee hoggaamineed ee ay gabbaadka ku siinaysay qaxootiga dhibku ka soo gaaray gacan ka hadalka, sida ay farayaan qawaaniinta caalamiga ah.
War saxaafeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa John Kerry uu ku sheegay inay ka mahadcelinayaan martigelinta dowladda Kenya ee qaxootiga, waxaana uu sheegay in dowladdiisu ay ka caawisay Kenya wadaagista mas’uuliyadda oo ay qayb ka qaadatay kaalmada bani’aadanimo iyo in dib u dejin loo sameeyye qaxooti badan.
John Kerry waxa uu ugu baaqay Kenya inay sii waddo la shaqaynta UNHCR sidii loo celin lahaa dadka iskood u laabanaya, iyo inay ixtiraamto heshiiskii saddex geesoodka ah ee sanandkii 2013-ka ay wada gaadheen dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR.