Baay-RisaalaFM- Diyaaradaha Dowladda Mareykanka ayaa Duqeyn ka fuliyay sadhigyo ururka Al-shabaab ay ku lahaayeen degaan hoosyimaada Gobolka Baay oo la yiraahdo Buur-Ceelcade, kaasi oo u dhaxeeya Diinsoor iyo Buurhakaba.
Duqeyntaasi ayaa lagu dilay 100 dagaalame oo isugu jiray maleeshiyaad hubeysan iyo horjoogayaal sare oo ka tirsan argagixisada nabad diidka ah ee Alshabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ciidamada Mareykanka ka caawiya weerada duqeymaha iyo tooska isugu jira ayaa Idaacadda Codka Ciidamada Qalabka Sida u sheegay in Duqeyntaasi lagu dilay 100 Dagaalame oo ka tirsan ururka Al-shabaab.
Sidoo kale saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen in magacyada saraakiisha Shabaab ee weerarkaasi lagu dilay warbaabinta ay la wadaagi doonaan, sidoo kalena ay nolosha ku qabteen xubno ka tirsan Shabaab.
Dowladda Mareykanka ayaa laba jibaartay ciidamada ka joogga Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab iyo sidoo kale kooxda dowladda Islaamka Faraceeda ku sugan Buuraleyda Galgala ee maamul goboleedka Puntland.
Saraakiil Sar sare oo ka tirsan Dowladda Mareykanka ayaa sheegay in Ciidamada Mareykanka ee joogga Soomaaliya la gaarsiiyay Meeshii ugu sareysay, isaga oo sidoo kale sheegay in Ciidamada Dowladda Mareykanka Howlgallada ay ka fuliyaan Soomaaliya in ay noqdeen kuwo badankood guuleystay.