Mareykanka oo duqeyn dad ku dhintay ka fuliyay Pakistan

Ugu yaraan shan qof ayaa dhimatay ka dib markii diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay weerar cirka ah ku qaadeen gobol ku yaal waqooyi galbeed ee dalka Pakistaan, sida ay ku waramayaan laamaha Sirdooonka.

Weerarkaan ayaa dhacay fiidnimadii Isniintii markii duqeynta lala beegsaday guri ku yaal degmada qabaa’ilka Kurram,ee ku dhaw xadka dalka Afghanistan.

Saraakiisha Sirdoonka Pakistan ayaa sheegay in dhimashada ay intaan ka badan karto, laakiin wararka hordhaca ah ee la helay ay xaqiijinayaan geerida Shantaan ruux.

Taliye ka tirsan dagaalyahanadda Shabakadda Haqqani oo xarriir la leh Ururka Daalibaan oo lagu magacaabo Sangeen Wali ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay weerarkaasi

Waa weerarkii labaad oo diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka fuliyaan dalka Pakistaan tan iyo markii uu amray Madaxweynaha Maraykanka in ay sii xoojin doonaan weerarada duqeynta cirka ah ay ka fulinayaan gudaha dalka Pakistaan.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa dalka Pakistaan ku beegsada xubnaha xiriirka dhaw la leh Al-Qacida iyo Daacish.