Mareykanka oo 3 weerar ka fuliyay Soomaaliya

United States Marine Corps personnel from the 2nd Platoon, 1st Battalion, 1st Marine Regiment, who are in Australia as part of Marine Rotational Force - Darwin, press forward on a patrol during Exercise Hamel in Cultana training area, South Australia, on 1 July 2016. (Australian Defence Force photo by Cpl. Dan Pinhorn)
Muqdisho-RisaalaFM- War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in iyada oo xiriir lala sameeyey dowladda Soomaaliya, uu ciidanka AFRICOM fuliyey Saddex weerar oo dhinaca cirka ah oo bartilmaameedsan.

Weeraradaas ayaa war saxaafadeedka lagu sheegay in lagu qaaday ururka Al-Shabaab, saacadu marka ay aheyd qiyaastii 2:15 saqdii dhexe ee xalay, halkaasina lagu dilay 6 Dagaalyahan oo Shabaab ka tirsan.

Howlgalkan ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay meel 260-KM koonfur ka xigta magaalada Muqdisho, talaabadanna Ciidamada Mareykanka ay qaadeen, iyaga oo raacaya awoodihii uu siiyey Madaxweynaha Maraykanka.

Gaba gabadii war-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in ciidanka Maraykanka uu sii wadi doono inuu adeegsado dhammaan halbeegyada loo sharciyeeyey ee munaasibka ah si ay u ilaaliyaan dadka Soomaaliyeed, ugana adkaadaan ururka Al-shabaab.

Inkastoo Mareykanka uusan sheegin degaanka ay sida gaarka ah uga dhacday Duqeyntan ayaa Guddoomiyaha Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose Aadan Cumar Madoobe wuxuu Risaala u sheegay Duqeyntan in ay ka dhacday degaanka Kuunyo-barow oo ka tirsan Shabeellaha Hoose.