Maraykanka oo baaraya Weerarka Kombiyuutarrada

Maamulayaasha Maraykanka ayaa sheegay inay baarayaan weerar baahsan oo lagu qaaday hanaanka kombiyuutarrada ee dunida.

Golaha amaanka qaranka ee Washington ayaa sheegay in Maraykanka ay ka go’an tahay in cid kasta oo mas’uul ka ah lagula xisaabtamo.

Tiro hay’ado ah ayey weerarradaas saameeyeen, waxaana ku jira Bankiyo, Xarumo dawladeed, shirkado waaweyn, iy shabakadaha gadiidka.

Isticmaalayaasha ayaa loo sheegay in kombiyuutarradoodu fariisteen ilaa iyo ay bixiyaan 300 oo Doollar oo madax furasho ah oo an lahayn wax raadraac ah, ayadoo lagu bixinayo qaab loo yaqaanno Bitcoins, laguna ridayo xisaabta koox loo yaqaanno anonymous.

Waaxda amaanka gudaha ee Maraykanka ayaa dadka kula talisay inaysan madax furasho dhiibin. Waxaa la sheegay inaysan jirin wax damaanad qaadaya in dib loo soo celinayo faylasha la xannibay.