Man Utd oo dejisay qorshe ay halmar kula soo wareegeyso CR7

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay dib ula soo saxiixato gooldhaliye Cristiano Ronaldo, goolhaye David De Gea ayaana laga yaabaa in loo isticmaalo qeyb ka mid ah heshiiska, sida uu daaha ka qaaday joornaalka Daily Express.

Mashiinka goolasha Real Madrid ayaa shalay oo Jimco aheyd daaha ka qaaday inuu doonayo inuu ka huleelo kooxda difaacaneysa horyaalka La Liga. Sababta ayaana ah inuu 32 sanno jirkaani si weyn uga carooday eedeymaha canshuurta la xiriira ee ay kusoo oogtay dowladda Spain, taasoo uu beeniyey.

Dowladda Spain ayaa ku eedeysay kabtanka xulka qaranka Portugal Ronaldo inuu lunsaday lacago canshuur ah oo ay aheyd inuu ka bixiyo xayeysiintii uu shirkadaha waa weyn la galay intii u dhexeysay 2011 illaa 2014, waxaana lacagtaas lagu sheegay 13 milyan oo ginni.

Si kastaba ha ahaatee, Daily Express iyo majaladda The Sun oo labadaba laga akhristo Britain ayaa isku waafaqsan inuu Ronaldo diyaar u yahay inuu dib ugu soo laabto kooxda ka dhisan Old Trafford, isagoo xagaagaan kasoo dhaqaaqaya Los Blancos.

Sannadkii 2009kii ayuu Cristiano Ronaldo ka tegay Man United markaasoo heshiis rikoorka adduunka oo dhan 80 milyan oo ginni uu ugu wareegay Real Madrid.

Joornaalka Daily Express ayaa wuxuu si gaar ah u tilmaamayaa in laga yaabo inay Man United qeyb ka mid ah heshiiska Ronaldo u adeegsato goolhaye David De Gea oo ay si daran u raadineyso Real Madrid. Tababare Jose Mourinho ayaana diyaar u ah inuu gacanta kusoo dhigo Ronaldo iyo Alvaro Morata oo labaduba u ciyaara Los Blancos ka dib markii uu ku fashilmay saxiixa Antoine Griezmann.

Dhanka kale, majaladda The Sun ayaa sheegeysa inay tahay inay Man United bixiso 150 milyan oo ginni si ay usoo ceshato Ronaldo, halka Morata uu joogo 90 milyan oo ginni, sida ay Real Madrid ku adkeysatay.

Laakiin Red Devils waxay diyaar u tahay inay bixiso qiimo lacageed dhan 180 milyan oo ginni oo kaash ah, oo lagu daray goolhaye De Gea si ay saxiixa labadaan weeraryahan u dhammeystirto xagaagaan.

Xigasho Gool.net