Cayaaryahan Ander Herrera wuxuu ka madax adeegayaa inuu Man United heshiis cusub u saxiixo waxaana qandaraaskiisa ka harsa wax ka yar 8-bilood.
Warbixin cusub ayaa lagu sheegay in Ander Herrera ay xiiso u qabto naadiga Atletico Madrid isagana wuxuu ku fikirayaa inuu La Ligaha Spain dib ugu laabto.
Sidaa darteed The Mirror ayaa qortay in dalabka Atletico Madrid ee Ander Herrera ku aadan inay soo dhaweyn doonto.
Sababtana waxay tahay Man United inay dooneyso dhankeeda cayaaryahan Antoine Griezmann laga iibiyo kaasi oo United ku hungowday saxiixa xagaagii aan kasoo gudubnay.
Sidoo kale taageerayaasha Man United ayaa qorshahaan soo dhaweeyeen waxayna u arkaan in Antoine Griezmann kooxda siweyn dhanka weerarka kaga caawin karo hadii bisha Janaayo garoonka Old Trafford la keeno.