Home Ciyaaraha Man City Oo Guul Raaxo leh Etihad Stadium Kaga Gaartay West Brom

Man City Oo Guul Raaxo leh Etihad Stadium Kaga Gaartay West Brom

SHARE

Manchester City ayaa guul raaxo leh Etihad Stadium kaga gaartay kooxda West Brom waxayna kooxda Guardiola qarka u saaran tahay in ay kaalinta saddexaad ku dhamaysato xili ciyaareedkan isla markaana ay si toos ah ugu soo baxdo heerka Groupyada Champions Leaque-ga.

Waxaa guushan Manchester City ku hogaamiyay Gabriel Jesus oo heerka gool dhalintiisa cajiibka ah ee Premier Leaque-ga sii wata oo goolka furitaanka dhaliyay halka Kevin De Bruyne oo rekoodh cusub kulankan ka dhigay uu dhaliyay goolka labaad.

De Bruyne ayaa noqday xidigii abid ugu horeeyay ee hal xili ciyaareedkan gool caawinta ugu badan ee Premier Leaque-ga u sameeyay Man City.

Dhamaadkii ciyaarta Hal Robson-Kanu ayaa West Brom u dhaliyay goolka calanka.