Magaalo ku taalla Kenya oo bil Koronto La’aan ah

Koronto La’aan Baahsan ayaa Mudo Bil ah Waxaa ay Ka Jirtaa Magaalada Wajer oo Ka Tirsan ismaamulka Dhaca Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka kenya,iyadoo Arintaasi ay Saameyn ku yeelatay Shacabka Ku Dhaqan Magaalada Wajer.

Madaxa ugu Sareeya Shirkada Korontada ee Kenya power Faracooda Magalada Wajer Mr Amin Bishar oo La Hadlay Radio Risaala ayaa ugu Baaqay Bulshada Magalada Wajer in ay Dulqaad Muujiyaan.
Dhanka Kale Mr Bishar ayaa soo Hadal Qaaday Cilada Korontada Mararka Qaar Ku Timaada ay Qeyb Ka yihiin Caruurta Ku Dhaqan Magaalada Wajer oo Ku Cayaara Fiilada Korontada.
XildhibaanKa Laga Soo Doorto Magalada Wajer Mr Rashiid Qaasim Amiin ayaa oo Dhankiisa Ka Hadlay Arintaan ayaa Tilmaamay in Dhibaatada Koronto La,aan ta ay si Gooni u Waxyeleysay Goobaha Cibaadada Gaar ahaan Masaajida Magaalada.
Mr Qaasim ayaa Balan Qaaday in uu Kala Hadlay Arintaan Saraakiisha ugu Sareysa Shirkada Korontada ee Dalka Kenya Xafiiskooda Magaalada Nairobi Maalmaha soo aadan na La soo Afjari Doono Koronto La,aanta ka Jirta Magaalada Wajer.
Qore: Cabdiqani Maxamed Gaarisa.