Madaxweynaha Turkiga oo eedeeyn u jeediyay sarkaal Amerikan ah

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan  ayaa eedeeyn u jeediyay saraakiil ka tirsan ciidanka ammaanka dalka Mareykanka ,kuwaas oo uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen afgambigii dhicisoobay ee dalka Turkiga.

Erdogan ayaa sarkaal sare oo ka mid ah militariga Mareykanka ku eedeeyay inuu la jiro dadkii isku deyay inay dowladda afgembiyaan, laba isbuuc ka hor, ninkaasna waxaa lagu magacabaa Janaraal Joseph Votel

Janaraal Joseph Votel ayaa dhawaan  sheegay in shaqa ka eryidda ciidamada Turkiga kadib afgembigii dhicisoobay uu wax u dhimayo wada shaqeynta militariga.

Hadal uu ka jeediyay magaalada Ankara, madaxweyne Recep Tayyip Erdogan waxa uu sheegay in dalalka cambaareynaya howlgalka maamulkiisa, looga baahan yahay inay mahdiyaan Turkiga sida uu uga hortagaya fagembiga.