Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Mareykanka Barack Obama ayaa jeediyay khudbo uu ku macsalaameeyay taageerayaashiisa.
Hadalka ayuu u jeediyay kumannaan qof oo isugu soo baxay Chicago, halkaas oo ah meesha siyaasadda uu ka billaabay.
Dadka ayaa si weyn oo farxad leh ugu sabciyay Obama oo 20-ka bishan xilka ku wareejinaya Trump.
Wuxuu sheegay inuu ka tagayo Mareykank wanaagsan, oo awood leh, iskuna duuban.
Wuxuu tilmaamay inuu shaqa wanaagsan qabtay sideedii sano ee xilka uu hayay.
Haddaba maxaa la taaban karaa oo uu Obama ka bedelay siyaasadda gudaha ee Maraykanka ka dib sideed sano oo uu xukunka hayay?