Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka oo u digay Kim Jong-un

Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Mike Pence ayaa hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uga digay in uusan ciyaar la soo shir tagin haddii uu la kulmo madaxweyne Donald Trump bisha soo socota.

“Waxay noqon doontaa khaladwayn haddii Kim Jong-un ay la tahay in uu ku dheeldheeli karo Donald Trump,” ayuu Pence ka yiri telefeshinka Fox News oo uu waraysi siinayay.

Pence ayaa sidoo kale sheegay in laga yaabo in Trump uu isaga baxo shirka loo ballansan yahay 12 Juunyo.

Kuuriyada Waqooyi ayaa ku goodiday in ay isaga bixi doonto shirka ka dib hadal uu yiri John Bolton oo ah lataliyaha ammaanka qaranka.

Dalkaas ayaa aad uga carooday hadalkii Bolton ee ahaa “in la marin doono qaabkii” hubka looga dhigay Liibiya oo kale”.

Mucamar Al Qadaafi ayaa reer Galbeedka ka ogolaaday in uu hubkiisa burburiyo 2003-dii isaga oo ku badashay in laga qaado cunaqabataynta. Siddeed sano ka dibna waxaa dilay jabhado ay reer galbeedku taageersanaayeen.

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in ayaa qorshaynaya in uu kula kulmo Trump Washington DC Talaadada si ay uga wada hadlaan qorshaha shirka.