Madaxweyne Kiir oo ku baaqay wadahadallo qaran

Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed, Salva Kiir, ayaa ku baaqay wadahadallo qaran oo lagu soo afjarayo dagaalka sokeeye ee dalkaasi ka socda seddexda sano.

Asaga oo la hadlaya xildhibaanada baarlamaankiisa ee magaalada Juba, ayaa Salva Kiir waxa uu sheegay in wadahadaladaasi ay hagi doonaan guddi ka kooban dad la yaqaan.

Ma uusan carab baabi’in ninka uu loolanka kala dhaxeeya ee ah madaxweynihii hore ee dalkaasi Riek Machar, kaa oo dalka isaga cararay markii dagaalka uu ballaartay bishii Luuliyo.

Madaxweyne Kiir ayaa u muuqday sidoo kale mid u digaya kuwa dhaliilaya dalkiisa.

Madaxweyne Kiir ayaa sheegay in ay jiri doonaan cawaaqib ka dhan ah kuwa diida in ay joojiyaan rabshadaha.

Waxa uuna sidoo ugu baaqay shacabkiisa in ay ixtiraamaan beesha caalamka.