Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo goor dhow Shir ku qabtay Xeradda Ciidamada badda Puntland ee ku taalla duleedka Magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay Wararka sheegaya in dowladda Imaaraadka Carabta ay ka baxday degaanda Puntland.
Waxaa uu sheegay in Puntland iyo dowladda Imaaraadka Carabta uu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan oo ku aadan horumarinta Puntland.
Madaxweyne Gaas ayaa beeniyay in Garoonka Boosaaso ay ka baxeen tababarayeyaal u dhashay dowladda Imaaraadka Carabta.
Gaas ayaa sidoo kale Caddeeyay in Puntland ay sii wadi doonto wada shaqeynta dowladda Imaaraadka Carabta.
Waxaa uu sheegay in Warar been Abuur ah lagu faafiyay Baraha Bulshadda kasoo ahaa in uu xumaaday Xiriirkii Puntland iyo Imaaraadka Carabta.
Waxaa uu ugu dambeyntii xusay Madaxweynaha in aysan jirin Saraakiil Imaaraad ah oo lagu dhibaateeyay Garoonka Boosaaso.