Madaxweynaha maamulka Puntand C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga uu heshiis kula gaaray maalqabeenka u dhashay Sacuudiga ee lagu magacaabo Suldaan Bin Naasir, iyadoo ay ka heshiiyeen arimo badan.
Heshiikan ayaa waxa uu dhigayaa sida la sheegay in Dekad laga dhiso magaalada Garacad ee ku taalla gobolka Mudug iyo sidoo kale in la dhiso wado xiriirisa magaalada Garacad iyo Goldogob.
Sidoo kale Amiirka heshiiska la gaaraya maamulka Puntland ayaa waxa uu sheegay in shirkadihiisu ay dhisi doonaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo.
C/wali Maxamed Cali Gaas madaxweynaha maamulka Puntand ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo heshiiskan uu la galay maalqabeenka u dhashay Sacuudiga, waxaana uu tilmaamay in Puntland heshiiskan uu wax weyn ugu fadhiyo.