Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Jowhar

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow Gaaray Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe , halkaasi oo lagu wado in maanta lagu caleemo saaro Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle iyo sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale mas’uuliyiin kale .

Madaxweynayaasha maamulada Koonfur Galbeed   iyo Galmudug Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay maanta gaaraan magaalada Jowhar ee xarunta shabeellaha Dhexe.