Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar carte iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Labada Gole ee dowladda ayaa cambaareeyay dilka caawa loo geystay Sheekh Cumar Xuseen Xasan (Ceeydiid Duceysane) oo ka tirsanaa shaqaalaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.
Allaha unaxariistee waxaa caawa Masjid ku yaala degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir lagu dilay Sheekh Cumar Xuseen Xasan (Ceeydiid Duceysane) oo ka tirsanaa shaqaalaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.
Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in Sheekh Caamir isagoo ka soo baxay Masjid ku yaala degmadaasi ay dileen.
Gudoomiyaha degmada Xamar Jajab Maxamed Cismaan Dhoore oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay in lagu raad joogo kooxaha dilka geystay.
Degmooyinka qaar ee ka tirsan gobolka Banaadir waxaa ka dhaca dilal qorsheysan kuwaas oo lala beegsado xubnaha ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dad shacab ah, iyadoo inta badan dilalkaas Mas’uuliyadooda ay sheegtaan ururka Al-shabaab.