Madaxweynaha Jubbaland oo daah furay Mashruuc Qaran “SAWIRRO”

Kismaayo-RisaalaFM- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa manta Magaalada Kismaayo ku daah furay Mashruuca Qaran ee Tababarida Farsamada gacanta iyo hirgalinta Tacliinta Sare oo ay garwadeen ka tahay wasaarada waxbarashada Soomaaliya isla markana ay maalgalinayaan Midowga Yurub.

Wasiirada waxbarashada Dowlad Goboleedyada Dalka ka jira xubno sare oo socda wasaarada waxbarshada Soomaaliya iyo Safiirka Midowga Yurub Veronique Lorenzo iyo dhamaan hay’adaha dhinacyada Farsamada iyo Tacliinta ee ka hawlgala Soomaaliya ayaa ka qayb galay Mashruucan Qaran oo ah kii ugu horeeyay oo Soomaaliya laga hirgaliyo burburkii kadib.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shirkan ka sheegay in Soomaaliya waxa ay hormarka ku gaartay wakhtigii Dowladii dhexe ay ahayd farsamada gacanta oo aad u saraysay isla markana lagu jiheeyay wax soo saarka iyo hananka nolosha dadka.

Dhamaan kasoo dhinacyada mashruucan ku shaqada leh ayuu Madaxweynahu kula dardaarmay in ay kasoo dhalaalan masuuliyada saran oo ay Sanad kadib wax la taaban karo kusoo kordhiyaan dalka.

Mar uu ka hadlayay sida loo qaybsanayo Mashruucan iyo hirgalintiisa ayuu Madaxweynahu xusay in aan marnaba laga reebin Soomaaliland oo aan la isku xirin Siyaasada iyo Hormarka.

“Anigu waxaan qabaa in aan walaalaheen Soomaaliland hadii ay wax sheegteen oo Siyaasad uun ay tahay aan hormarka iyo siyaasada la isku xirin Siyaasada marka ay joogtana rageeda ayay helaysaa oo waa laga heshiin doona” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed islaam.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in dhaqaalaha hawshan ku baxaya oo ku kacaya aduun dhan 3.8 milyan oo Dollar aan la lunsan oo ay cadaato waxa lagu qabtay iyo halka ay martay si hadhow uusan shiki uga iman sida wax loo qabtay iyo cadadka lacageed ee ku baxay.

“Waxaan qabaa in anaga aan wax lacag ah naloo dhiibin oo aad idinku hawsha fulisaan kadibna aan idinla xisaabtano taas ayaa anaga noo xil fudud sababto ah waxaan rabnaa in wax dhab ah la sameeyo” ayuu yiri Madaxweynahu.

Dhinacayda hawsha fulinaya ayuu ku booriyay Madaxweynahu in ay ka fogaadan wax walba oo hawsha ay hayaan arqalad ku keenaya ama hoos u dhigaya.

Hananka Tacliinta dalka oo aad u koraysa ayuu Madaxweynahu xusay in ay lagama maarmaan noqotay in lagu lamaaneeyo farsamada gacanta oo uu sheegay in ay tahay hawl fudud oo qofku uu ku shaqaysan karo mudo kooban gudaheed.

 

Madoobe 1 madoobe 2 madoobe 3 madoobe 4 madoobe 5 madoobe 6