Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqidsho.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay Xildhibaano ka tgirsan Labada Gole ee Dowladda Federaalka, Guddiga qaban qaabada xaflada Caleemo Saarka Madaxweynaha, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.
Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Dalka Jabuuti ayaa ka qeyb galaya xaflada Caleemo Saarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo oo maanta ka dhaceysa Magaalada Muqidsho.
Sidoo kale goor dhow waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ka soo degi doona wufuud caalami ah, kuwaas oo ka qeyb galaya xaflada Calemo Saarka Madaxweynaha.