Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa magacaabay Guddoomiyaha degmada Baladweyne, Guddoomiye kuxigeenka degmadaasi iyo Guddoomiye ku xigeenka degmada Matabaan, sida ay u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Hirshabeelle Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.
Guddoomiyaha Degmada Baladweyne ayaa waxaa loo magacaabay Maxamed Axmed Ibraahim halka Guddoomiye ku xigeenka degmadaasi loo magacaabay Qadar Xasan Afrax.
Ducaale Aadan Cabdi ayaa asna Madaxweynaha Hirshabeelle wuxuu u magacaabay guddoomiye ku xigeenka degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan.
Shalay ayay aheyd Markii Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle uu xilkii ka qaaday Mas’uuliyiinta Magaalada Baledweyne iyo sidoo kale gudoomiye ku xigeenka degmada Matabaan.