Home Caalamka Madaxda Tuuniisiya oo Caawin doona qoysaska saboolk ah

Madaxda Tuuniisiya oo Caawin doona qoysaska saboolk ah

SHARE

Madaxda dalka Tuunisiya ayaa sheegay inay caawin doonaan qoysaska saboolka ah si ay uga kabsadaan sare kaca qiimaha nolosha kaddib dhowr maalmood oo dalkaasi ay ka dhacaAyeen dibadbaxyo ka dhan ah barnaamijka gunt-giiska dhaqaale.

Madaxweynaha Tuunisiya Beji Qaid Essebsi, iyo ra’isal wasaarahiisa Yuusuf Shaahid ayaa waxa ay sheegeen inay ka wada hadlayaan qaababka sare loogu qaadayo awoodda ay waxku iibsan karaan qoysaska dakhiligoodu yar yahay laguna adkeynayo kormeerida qiimaha alaabaha.

Bayaan kasoo baxay madaxweynaha ayaa lagu sheegay in maalma soo socda qorshooyin waxa looga qabanayo arrintaan loo dajin doono.

Balse dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda ayaa maalintii Jicmaha weli kasii soconayay dalkaasi Tuunisiya, iyada oo mudaaharaadayaal badan ay lulayeen kaarar jaale ah.

In ka badan 700 oo qof ayaa lasoo xirxiray intay soconayeen dibadbaxyada oo billowday horraantii toddobaadkaan.

Mas’uuliyiinta waddankaasi ayaa sheegaya in tobannaan ka tirsan ciidammada booliska shalay la dhaawacay, halka ku dhawaad 200 oo qof oo dibadbaxayayna la xiray.