Home Wararka Madaxda Qaranka oo hambalyo u dirtay Guddoomiyaha Baarlamaanka

Madaxda Qaranka oo hambalyo u dirtay Guddoomiyaha Baarlamaanka

SHARE

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kadib markii uu ka guuleystay Musharaxiintii uu la tartamayay.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo in mar kale Jawaari uu noqdo Guddoonka Sare ee Baarlamaanka, isagoo sidoo kale ku dhiira geliyay in uu howsha meesheeda ka sii wado.

Dhinaca kalena Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa dhankiisa ugu hambalyeeyay Guddoomiye Jawaari mar labaad inuu ku guuleysto hoggaaminta Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari oo helay 141-cod Doorashadii maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa wuxuu noqday Guddoomiyihii ugu horeeyay ee Baarlamaanka Soomaaliya oo labo mar oo isku xigta la doorto.