Home Wararka Madaxda D/Goboleedyada oo dib ugu laabtay degaanadooda

Madaxda D/Goboleedyada oo dib ugu laabtay degaanadooda

SHARE

Muqdisho-RisaalaFM- Qaar Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa maanta dib ugu laabtay magaalooyinkooda, kadib shir muddo Saddex maalmood ah oo ay uga qeyb galeen Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa ka degay magaalada Boosaaso, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku laabtay magaalada Baydhabo, halka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) lagu soo dhaweeyay Cadaado.

Madaxweynaha Puntland markii uu ka degay Boosaaso hadal uu siiyay warbaahinta ayuu ku sheegay shirkaas in uu ahaa mid mudo badan ay ka fakarayeen in la sameeyo madal ay wadaagaan dowlad goboleedyada, si guul ahna uu ku soo dhammaaday.

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa dhankiisa sheegay shirka in looga hadlay tabashooyin yar yar oo jiray, uuna ku soo dhammaaday guul iyo is afgarad.

Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay wixii tabasho ah oo ay ka qabeen Dowladda in ay ku soo bandhigeen shirka, ayna rajeynayaan in wada hadal laga yeesho mad madowg jira.

Qodobadii xasaasiga ahaa ee Arbacadii laga soo saaray shirkii Madaxda Maamul Goboleedyada uga soconayay Magaalada Kismaayo, ayaa dareen baqdin leh ku dhaliyay shacabka Soomaaliyeed,maadaama ay aad ugu hadal hayeen baraha bulshada.