Muqdisho-RisaalaFM- Tiro madaafiic ah ayaa goor dhaw ku soo dhacay nawaaxiga Madaxtooyadda Somaliya ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhanka xigta Xaafaddaha 15-May ee dhabarka dambe ee Madaxtooyadda.
Xilligan oo saacada Magaalada Muqdisho ay tahay 12:30 ayaa la maqlay madaafiicdaan oo illaa hadda aanan la ogeyn Khasaaraha ay gaysteen.
Dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa sheegay inay aad u argagaxeen markii ay maqleen madaafiicda soo dhacday, durbana ay ku kala carareen guryaha dhismahooda adag yahay ee loo yaqaan Shubka.
Hay’addaha ammaanka dowladda ayaa tagay durba meeshii ay wax ka dhaceen, waxayna wadaan baaritaanka ku aadan hoobiyeyaasha soo dhacay iyo hadii ay jiraan Khasaare ka dhashay.