Macno-tirka Mucaaradnimada by Guutaale

Mucaaradnimadu waxa ay macno leedahay marka ay xambaarsan tahay aragti horumarineed iyo higsiga ku wajahan meel ka fiican heerka ay taagan tahay cidda la mucaaradayo, ha ahaado xukun, Aragti ama go’aan saameyn ku leh nolosha iyo jiritaanka, kaas ka soo baxay dowlad ama nuuca maamul ee markaas talada haya.

In ay jiraan wax la mucaarado iyo qof ama koox wax mucaaradda, waxa ay ka dhigan tahay in uu jiro tartan, horumar iyo halgan nololeed, intii uu doonoo ha gaaro.

Qoraalkan in aan sameeyo waxa ay igu soo dhacday markii aan ku arkay Baraha Bulshada iyo gaar ahaan Face book; qoraallo badan oo iila muuqday kuwo macno-tiraya, nuxurkana ka qaadaya mucaaradnimada ku dhisan maamul xumo diid aan dagaal addin iyo mid afeed lahayn, Waxa aan aad uga naxay markii aan arkay qoraallo si shaqsi ah loogu magac dilayo madax kala duwan, oo kamid ah xukuumadda Dhexe, Soomaaliya, sida madaxweynaha iyo Wasiirka Koowaad.

Tusaale ahaan qoraalada Jamal Muhumed Osman; ayaa kamid ah kuwa si walba iiga yaabiyey ee aan u qaatay in ay karaamada ka qaadayaan mucaaradnimada iyo aragtida wax iska sheegga toosan (Critica costruttiva), waxa aan la amakaagay sida ay qoraalada Jamaal Maxamed; ee ku wajahan madaxweyne Farmaajo iyo Raisalwasaare Kheyre; u hareer marayaan xitaa xeerka xorriyadda iyo Qaanuunka dhowridda waxa u gaarka ah qofka.

Adeegsiga erayada Horjooge; Khaa’in; Kheyrlaawe, Horjoogaha kooxda Muqdisho iyo sidoo kale sheegidda tilmaamaha iyo dabeecadaha qofeed ee gaarka ah, iyada oo aanay jirin wax looga baahan yahay ayaa kamid ah waxyaabaha aan la anfariiray ee aan u qaatay in ay mucaaradnimada ka dhigaya mid u eg qalab dagaal oo aan xuduud iyo dabar lahayn.

Jamaal; ereyada sare waxa uu ka hormariyaa magacyada Madaxweynaha iyo Raisalwasaaraha; taas oo ka dhigan in uu u gefeyo qof taagan heerka madaxa Qaranka (Head of state), isaga oo u mucaaradaya hab aan wax xiriir ah la lahayn hannaanka wax iska sheegga toosan, sida toosan waa in la mucaarado ama la taageero go’aanada iyo habdhaqanka siyaasadeed ee dadka talada haya, taasina waa in aanay wax xiriir ah la yeelan sameyska qofeed iyo dabciga gaar haaneed.

Daahir Maxamuud Geelle; oo mar noqday Wasiirka Warfaafinta, haddana aan filayo in uu yahay danjiraha Soomaaliya ee Sucuudiga ayaa yiri: “ Birtu marka ay daxaleysato(Mirirto) waxa lagu afeeyaa bir kale, oo Soofe la yiraahdo, sidaas oo kale xukuumaduhu marka ay daxaleystaan oo ay soo uraan waa marka ay ku dhacaan dhaqan xumo siyaasadeed sida Musuq, xatooyada xoolo dadweyne iyo hareer maridda Nidaamka, waxa lagu soofeeyaa Warbaahinta oo ka dhigan Soofe lagu hagaajinayo xukunka iyo dowladnimada”

Marka ay sharci-darradu u ekaato xorriyad, oo munaafaqnimada la moodo Caqli badnaan, Waddaniyadda loo qaato guulwadeyn, wax iska sheegga toosan iyo istoosintu noqoto cadowtooyo, waxa hubaal ah in aan kuwada socono jidka caanka ah ee qodxaha iyo halaqa badan, kaas oo ay ku jabeen dhammaan dowladihii iyo dadkii qaaday!

Sida ku qoran Qodobka 87aad, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa:Madaxa Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Astaanta midnimada qaranka; sidaas oo kale Wasiirka koowaad waa madaxa xukuumadda federaalka, labaduba waxa ay hugan yihiin magaca ummadda Soomaaliyeed, waxa ay tahay in loo karaameeyo ama loo xushmeeyo waa astaamahaas, dabcan qofka qabanaya xilkaasi waa in uu yahay qof markiisii horaba karaamo iyo dhowrsanaan leh, haddii ay nidaamka iyo dastuurka ka leexdaan waxa jira hay’ad mas’uul ka ah in ay ku kormeerto shaqa-gudashadooda, dadweynaha caadiga ahna waxa u furan in ay wax mucaaradaan ama taageeraan, balse caytanku meelna kuma bannaana.

Xilligan oo lagayaabo in dad badan oo Soomaaliyeed ay haystaan fursad iyo awood ay ku hadlaan kuna kala sheegaan waxa saxan iyo waxa qaldan ma jiraan wax nagu qasbaya in aan aflagaadeyno qof hugan magaca ummadda, waxa aan heli karnaa in aan u mucaaradno si toosan oo ka fog in aan si shaqsi ah u dhibno.

Aragtida wax iska sheegga toosan

Waxa jira dhowr hab oo loo adeegsado mucaaradnimada waxdhista (Constructive Criticism), waxa kamid ah in aan la dhalleeceyn ama aan wax laga sheegin shaqsiyadda ee la abbaaro waxa ka dhasha hab-dhaqankiisa laguna saleeyo waxa la dhalliilayo aragti jiri karta kaddib marka uu qofkaasi ka tago xilka, dhaliisha wax dhistaa waxa ay xoogga iyo diiradda saarta xaaladda taagan, marnaba kuma wajahna shaqsiyadda, sidaas oo kalana waxa ay taabataa wax dadweynuhu fahmi karaan, waxa ay muujisaa soo jeedin tilmaameysa waxa lagu horuarin karo waxa la dhalliilayo.

Mid kale waa in aan dhaliisha lagu darin wax aan la taaban karin, sida been abuur ku wajahan shaqsiyadda iyo dhaqanka u gaarka ah ee lagayaabo in uu sameeyo marka uu gurigiisa joogo.

Islaamku waa hannaanka siyaasadeed ee ugu fiican adeegsiga aragtida wax iska sheegga toosan, iyada oo aanay jirin xisbiyo mucaarad ah oo la isu diiwaangeliyo ama laga mid noqdo si loo sharciyeeyo mucaaradnimada, tusaale ahaan Sayid Bin Sacna oo ahaa aqoon yahan yuhuudi ayaa maalin u yimid Nabi Maxamed (NNK), oo fadhiya xalqadii cilmiga ee Asxaabta, Sayid waxa uu soo jiiray dhammaan safkii meegaarka ahaa ee Asxaabta, waxa uuna soo beegsaday Nabiga, go’weyn oo Nabiga garbaha u saarnaa ayaa Sayid qabtay, inta isdhaafshay go’ii ayuu nabiga qoorta uga jiiday si adag, illaa raadkeedu ka muuqdo qoorta nabiga,

Sayid waxa uu Nabiga ku lahaa Dhowr dirham oo deyn ah, balse aan xilligeedii bixinta la gaarin, Isaga oo qaylinaya ayuu yiri: “I sii deynta aan kugu leeyahay! Haddii aad tihiin reer Haashim; waxa aad tihiin dad dib u dhiga deymaha lagu leeyahay”

Cumar Bin Khaddaab; oo kamid ah ragga fadhiyey goobta ayaa istaagay oo Seef weyn galka ka la baxay, waxa uu nabiga weydiistay in uu siiyo amar uu ku dilo Sayid Bin Sacna,

Nabi Muxamed waxa uu ku yiri Cumar: “Ninkan amar in uu si fiican wax ii weydiisto, Anigana I amar in aan si fiican wax u guto”!;

(مره بحسن الطلب ، ومرني بحسن الأداء),

Sayid Bin Sacna isaga oo og in aan la gaarin xilligii la bixin lahaa deynta ayuu sameeyey falkaas, balse inta uusan Islaamin ayuu u sheegay Nabiga iyo dhammaan Xertiiba in dhammaan tilmaamaha Nabi Muxamed NNK; uu ku arkay diinta Towreed, balse uusan tijaabin tilmaanta Dulqaadka, sidaas awgeed uu ugu talagalay in uu tijaabiyo maanta bal in tilmaantaasi sax tahay, maalinkaas ayuu ogaaday in tilmaanta u dulqaadashada dadka qalafsanna uu Nabi Muxamed leeyahay halkaas ayuu ku qaatay diinta Islaamka.

Cumar Bin Alkhaddaab; ayaa maalin amray in loogu yeero mid kamid ah hooyooyinka Beledka, markii farriintii madaxweynaha la gaarsiiyey ayay aad uga welweshay waxa uu ugu yeerayo, intii ay soosocotay ayay islahadashay oo welweshay, Xaamilo ayay ahayde meel u dhow xafiiska Cumar; marka ay mareyso ayay soo tuurtay uur-jiifkii!
Waxa la xaqiijiyey in uu yahay wiil balse uu meyd yahay, dhawaqiisa waa la maqlay balse naf laguma gaarin.
Gabadhii dib ayaa loo celiyey, Cumar; sheekadii waa la gaarsiiyey sidii ay u dhacday ayaa loogu sheegay, dhinacyada ayuu fiiriyey raggii aqoon yahanka ahaa iyo garsoorayaashii ayuu weydiiyey bal in wax mas’uuliyad ah ay ka soo gaareyso arrintan iyo gabadha ilmuhuu ka soo dhaceen.
Intooda badan waxa ay u sheegeen in aan wax mas’uuliyad ah ka saarnayn xaqna uu u leeyahay in uu u yeero.
Markii cabbaar la fadhiyey ayaa waxa soo galay Cali Bin Abii Daalib; oo lagu yaqaan geesinimo, Afatahannimo iyo Fiqhi,
Cumar; ayaa Su’aashii uu weydiiyey culimadii hore weydiiyey Cali, waxa uu Cali dalbaday in sheekada oo dhan loo sharraxo, sidii ay u dhacday ayaa loogu taabtay.
Cumar; oo ah waayahaas madaxweynaha adduunkaan Kala barkiis ayuu Cali ku yiri ” Gababdhu adiga kaama cabsan ee xilka iyo mas’uuliyadda aad hayso ayay ka welweshay kana cabsatay, sababta madaxweynuhu ugu yeeray ayaa ku abuurtay walaaca iyo walbahaarka sababay in soo tuurto uurjiifkeeda, sidaas awgeed adiga ayaa iska leh sababta keentay dhibka gaaray, Diyo ayaa lagu leeyahay ee bixi ayuu ugu soo dhammeeyey!

Cumar; waxa uu yiri: Waa aqbalay ee kac oo tolkeyga u tag, kana soo uruuri diyada willka.
Marka madaxda sidaas loola hadlo, madaxduna ay qaataan ayaan hubaa in aan helnay miraha qaaliga ah ee wax iska sheegga toosan,

Mucaaradnimada maanta

Horumarinta aragtida jiritaanka xisbi muxaafid ah oo xilka iyo talada dowladda hoggaamiya iyo mid mucaarad ah oo xisbiga talada haya tusa dhalliilaha iyo gaabiskiisu, waxa ay ka dhalatay dhalan-dhool dheer oo adduunku u soo maray dhisidda dowladnimo fiican.

Waxa ay aragtidaasi u suurtagelisay waddamada gaaray in aanay hannaanka dowladnimada dalaq soo dhihin qof aan la aqoon dhaqankiisa iyo habkiisa hoggaamineed, xisbiyada mucaaradka waxa lagu barbaariyaa kaadirka beddelaya kan xilka haya

Soomaaliya xeer lambar 1300/3/1/9/16; ayaa lagu dhisay xisbiyada siyaasadda bishii June-2016; xeerkaas waxa ogolaaday 149; xildhibaan; taas oo ka dhigan in 3/2 (Saddex meelood laba) xubnaha Golaha shacabka Soomaaliya uu u diyaarsan yahay in uu sameeyo xisbiyo siyaasadeed, oo ay ka soo bixi doonaan madaxda xukuumadaha soosocda, taasina waxa ay ka dhigan tahay dib u soo celinta rajada dowladwanaagga oo ay suurtagal tahay in Afgembigii dhacay 1969; uu kamid ahaa waxyaabihii ku riday Haadaanta.

Soo jeedin:

Suxufiyiintu waxa ay kamid yihiin xog-sideyaasha ay bulshadu ka fileyso macluumaadka ay ugu baahan tahay sida maalinlaha ah, sidaas awgeed wax ay bulshadu u kordhineyso aflagaadada madaxda ma jirto, balse waxa jira wax ay u dhibeyso, sida in ay abuurto cadaawad iyo kala qaybsanaan bulsho oo laga yaabo in ay horsdeeddo kala fogaansho, sidaas daraadeed aniga oo xushmeynaya Jamaal iyo Qoraaladiisa haddana waxa aan hubo ayaa ah in marka aan si nidaamsan wax u mucaaradno ay ka saameyn iyo natiijo wanaagsan tahay marka aan ku warwareegno shaqsiyadda qofka, gurigiisa, xaaskiisa iyo Balwaddiisa.

WQ: Axmed Ciise Guutaale

Dersa Sharciga & Qaanuunka