Muqdisho-RisaalaFM- Maamulka ugu sareeya Idaacadda Risaala iyo Shaqaalaha ayaa hambalyo ku aadan farxada Ciidul Fidriga u diray dhammaan dadka Islaamka ah meel walbo oo ay joogaan, maadaama ay caawa dhalatay Bisha Shawaal.
Maalinta berri ah ayaa guud ahaan dalalka Islaamka waxaa la rajeynayaa in si weyn looga dabaal dego maalinta Koowaad ee Ciidul Fidriga.
Agaasimaha Guud ee Idaacadda Risaala Ustaad Maxamed C/wahaab C/laahi ayaa sheegay in dhageystayaasha Idaacadda berri si weyn loogu soo dhaweyn doono Xarunta dhexe ee Idaacadda sidoo kalena dhageystayaasha loo diyaariyay Barnaamijyo gaar ah oo ay ku xusan yihiin hadiyado qaali ah.
Shirkadaha saaxiibada la ah Idaacadda ayaa dhageystayaasha Idaacadda soo booqda iyo kuwa guryahooda jooga ee Barnaamijyada ka soo qeyb qaata ugu tala galay hadiyado kala duwan.
Dalalka Islaamka ayaa guud ahaan ku dhawaaqay in maalinta beri ah ay tahay 1-da Bisha Shawaal sidoo kalena loo dabaal degayo Munaasabadda Ciidul Fidriga.