Home Wararka Maamulka Degmada Dharkeenley oo soo qabtay haweenay ilmo yar Suuli ku riday

Maamulka Degmada Dharkeenley oo soo qabtay haweenay ilmo yar Suuli ku riday

SHARE

Maamulka Degmada Dharkeenley ayaa ku guuleystay soo qabashada haweenay ilmo yar ku riday Suuliga, kadib markii shalay arintaan ay soo ifbaxday.

Waxaa arrintii ay noqotay mid xoogan, maamulka degmadda Dharkenleey ayaa soo fara galiyay waxaana gacanta lagu soo dhigay hooyadii dhashay cunugta yar.

Laylo oo ah gabar 17 jir ah oo dhawaan ka timid Magaalada Baydhabo ayaa la sheegay inay tahay qofta ku kacday falkaan, waxaa saakay la geeyay Saldhiga Galbeed ee degmadda Dharkeenley kiiskan.

Dood dheer kadib, waxaa dadkii cunugta yar gacanta ku haayay iyo maamulka Degmadda ay isku af-garteen in aan la ciqaabin hooyadda umusha ah.

Faadumo C/wahaab oo uu dhalay aabihii lahaa gurigii laga soo saaray gabadha yar, ayaa maamulka degmadda ka codsatay in gabadha yar iyo hooyadeed la isku siiyo oo ay la wareegto nolashooda waana laga aqbalay.

Waxa ku qasbay Laylo iney ku kacdo falkaan lalama wadaagin saxaafadda iyo dadka banaanka joogay ee sugayay natiijadda, si walbaba Faadumo Cabdiwahaab ayaa lagu wareejiyay cunugta yar iyo hooyadeed.

Sheekada arintaan ku saabsan markii ay soo ifbaxday ayaa si wayn waxaa loogu hadal haayay baraha Bulshada ay ku wada xidhiidhaan oo dadka ay ku cambaareeyaan falka hooyadan gabadha yar Suuliga ay ugu riday.