DHAGEYSO: Maamulka Aadan-yabaal oo sheegay in ay dib Wareegi doonaan degmadaas.

Maamulka degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabellaha dhexe ayaa sheegay in ku laabandoonaan degmada oo ay hada maamulaan ururka Al-shabaab.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe uu duulaan ku yahay degmada Aadan-yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe islamarkaana ay dhawaan Deg Deg ula Wareegi doonaan.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa dhawaan gudaha u galay degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabellaha Dhexe, inkastoo ururka Alshabaab ay dib u qabsadeen degmadaasi.