Home Wararka Maalinta Aragga Aduunka oo Muqdisho laga xusay (SAWIRRO)

Maalinta Aragga Aduunka oo Muqdisho laga xusay (SAWIRRO)

SHARE

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya maanta waxa lagu qabtay Munaasabad lagu xusayay maalinta Aragga Aduunka, taasi oo sanad walba xilligan oo kale 12-ka October la qabto.

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo ay ka mid yihiin Wasiiro, Xildhibaano, Dhaqaatiir, Hay’addo Ganacsi, Ardayda baahiyaha gaarka qabta iyo xubno kale.

Inta ay munaasabada socotay ayaa ardayda Aragga La, waxay ku soo bandhigeen riwaarad ka tar jumaysay hamiga dheer ay ka lee yihiin in ay hormar ka sameeyaan waxbarashada, dalkana ay wax u qabtaan

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya C/qaadir Macalin Nuur oo Munaasabadan awgeed bixiyay Deeq indhaha loogu fiiqay dhowr iyo labaatan qof ayaa sheegay muhiim in ay tahay in la garab istaago dadka Aragga La’, si ay u helaan dhiiragelin.

Xuska maalinta Aragga Indhaha ee Aduunka ayaa u jeedada loo doortay la xiriirta, sidii wacyi gelin dadka looga siin lahaa, cudurada Indho la’aanta keena iyo kuwa Aragga Indhaha waxyeelada u gaysta, dhinaca kalana daryeel iyo digtoonaan ay u samayn lahaayeen.