Luka Modric: “Waa Mahad Hadiiba Uusan Garoonka Ku Jirin Diego Armando Maradona”

Napoli ayaa caawa soo booqaneysa garoonka Santiago Bernabeu kulan ka tirsan wareega 16-ka tartanka Champions League iyadoo ciyaartaan uu marti ku yahay halyeeygii h–e qaranka Argentina iyo kooxda reer talyaani ee Napoli Diego Armando Maradona.

Maradona oo soo xirtay maaliyadda Napoli intii u dhaxeysay 1984 ila 1991 ayaa laba kulan oo tartanka yurub ah wajahay Real Madrid inkatoo uu ku fashilmay inuu shabaqa soo taabto hadana wuxuu caawa go’aansaday inuu daawado kooxdisii h–e.

Si kastaba kubad sameeyaha qaranka Croatia iyo Real Madrid oo shirkii jaraa’id ee kooxdiisa ka hor kulanka caawa ku wehliyay tababare Zidane ayaa qiray sida uu ugu faraxsan yahay in waqtigaan uusan aheyn waqtigii Maradona.

“Aad baan ugu faraxsanahay inuusan kasoo muuqan doonin Santiago Bernabeu” Ayuu yiri Luka Modric oo ka hadlayay shirka jaraa’id ee ka hor kulanka Napoli, “Ilaah ayaa ku mahadsan inuusan ciyaareynin Diego”