Home Ciyaaraha Luis Suarez bisha November qaliin ayaa lagu sameyn doonaa

Luis Suarez bisha November qaliin ayaa lagu sameyn doonaa

SHARE

Weeraryahanka kooxda Luis Suarez xili cayaareedkan ma awoodo inuu kooxdiisa sidoo kalena bandhigiisa hoos ayuu u dhacay.

Sababta waxay tahay Luis Suarez in dhaawac ku cayaarayo dhanka jilibkana uu dhibaato ka qabo haatana waxaa la sheegay bisha November ee nagu soo fool leh in qaliin lagu sameyn doono.

Luis Suarez kaliya labo gool ayuu dhaliyay xili cayaareedkan waxaana lagu sameyn doonaa qaliin sahlan November si looga saaro jilibkiisa buro dhiig ah oo fariisteen qorshahana wuxuu yahay kaliya labo todobaad inuu garoomada ka maqnaado.

Football Espania ayaa sheegtay Suarez xiliga uu doortay in qaliinka lagu sameeyao 14-kaas cisho kubada uusan cayaari doonin sidoo kalena xiligaas xulkiisa Uruguay ka qayb qaadan doonin cayaaraha isku celiska koobka aduunka loogu soo baxaayo madaama Uruguay u badan tahay inay si toos ah ugu soo baxayaan koobka aduunka 2018.

Uruguay waxay Talaadada u baxayaan xulka Bolivia hadii ay hal dhibic ka helaan si rasmi ah ayay u xaqiijin doonaan ka qayb qaadashada koobka aduunka 2018 kadibna Luis Suarez qaliinka uu u baahan yahay November waa lagu sameyn karaa madaama xiligaas Uruguay aysan wax kubad ah cayaareyn xiligaas.