Liverpool oo ku dhow in ay dhameystirto saxiixa labaad

Liverpool ayaa ku dhow inay soo xero galiso saxiixii labaad ee xili ciyaareedkaan,iyadoo wadahadalo gabogabo ah la leh xiddiga reer Belgium Samuel Bastien.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Anderlecht, oo 19 jir ah, ayaa waxaa dawaday indho-indheyaal Reds ah xilli ciyaareedkii hore intii uu amaah ku joogay kooxda Serie B dalka Talyaaniga ee Avellino.

Juventus iyo Fiorentina ayaa sidoo kale muujiyay xiisaha ay u qabaal wiilkaan.laakiin madaxda LIverpool ayaa uu ka dalbaday macalin Klopp in losoo iibiyo xiddigan marka uu furmo suuqa kala iibisga.

Bastien ayaa la barbar dhigaa xiddiga Manchester City khadka dhaxe kaga ciyaara ee Kevin De Bruyne.