Liverpool ayaa awoodi weysay iney Anfield ku garaacdo Southampton kulan kusoo dhamaaday barbaro gool la’aan ah oo aad la isugu xiiqay, Reds ayaa aheyd kooxda gacanta sare laheyd kulankii ay martigalisay Saint balse uma suuragalin iney hesho sadexda dhibcood ee ciyaarta.
Liverpool waxey haatan dib ugu soo laabatay booska sadexaad ee horyaalka iyadoo hal dhibic ka sareysa Manchester City oo shalay xasuuqday Crystal Palace.
Reds waxey ciyaartay 36-kulan waana koox ka horeysa koox walba oo kale, Reds wey weyn kartaa booska sadexaad hadii Citizens ay adkaadaan kulanka ay gacanta ku heysato.
Liverpool ayaa bilowday iney si fiican u ciyaarto isla markaana ay xakameyso hanaanka ciyaarta madama marti loo ahaa.
Daqiiqadii 15-aad: Roberto Firmino ayaa kubad ka xoogay Oriol Romeu, balse kubadii uu goolka aadiya waxaa isku dhigay Maya Yoshida xilli markii dambe ay kooxdiisa iska bixisay kubadii halista aheyd.
Philippe Coutinho, Roberto Firmino, Wijnaldum iyo Emre Can ayaa aruuriyay xidigaha Saint markii ay sameeyeen kubad isku dhiib fiican oo ay doonayeen iney ugu yaraan ku gudbaan balse waxey kaliya noqotay mid aruurin ku kooban.
Philippe Coutinho & Emre Can ayaa laba jeer isku dayay iney gaaraan shabaqa uu waardiyaha ka ahaa Forster, balse goolhayaha reer England ayaa si fiican u qabsaday inkastoo labada kubadoodba aysan aheyn kuwo awood leh.
Daafacyada Southampton ayaa sameeyay isku hawlni ah iney ka hortagaan duulaanka ay soo qaadeen wiilasha Jurgen Klopp, weyna ku guuleysteen iney qeybta hore ciyaarta ka diidaan iney gool helaan.
Qeybta koowaad ee ciyaarta ayaa lagu kala maray barbaro gool la’aan ah mana jirin fursado halis ah ah oo ay labada koox ciyaartoydooda iska qasaariyeen, inkastoo Reds ay aheyd kooxda gacanta sareysay balse la kulantay difaac adag oo Saint ah.
Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa dib u bilaabatay iyadoo labada kooxodba aysan sameyn wax badal ah, Puel iyo Klopp ayaana ku adkeystay iney safkoodii hore kusoo galaan qeybta labaad.
Daqiiqadii 47-aad: Boufal ayaa u dhawaaday inuu ka naxsado Liverpool bilowga qeybta labaad markii uu helay kubad dayacan, balse kubadii uu goolka aadiyay waa laga hor istaagay.
Daqiiqadii 65-aad: Garsoore Robert Madley ayaa rigoore ku abaalmariyay Liverpool markii Jack Stephens uu gacanta ku taabtay kubad uu markii hore geesta kasoo qaaday Lucas Leiva.
Daqiiqadii 66-aad: James Milner ayaa ku guuldareystay inuu hogaanka u dhiibo Liverpool kadib markii goolhaye Froster uu si wacan uga badbaadiyay rigooradii uu dhinaca midig ee goolka dhigay.
Daqiiqadii 84-aad: Adam Lallana ayaa sameeyay isku day uu gool ugu raadinayo kooxdiisa markii uu banaanka xerada ganaaxa kubad joog hoose ah ka turay balse Froster ayaa ka badbaadiyay.
Daqiiqadii 85-aad: Ryan Bertrand ayaa ku fashilmay inu dhameystiro kubad uu dhinaca kasoo qaaday Cedric oo si fiican dhulka ula helay mid ka mid ah xidigaha Reds, balse kubadii uu goolka aadiyay xidig Reds ah ayaa isku dhigay.
Daqiiqadii 90-aad: Marko Grujic ayaa noqon lahaa wiilka dahabiga ah ee garoonka Anfield markii uu si awodo leh madax ugu beegsaday goolka Saint balse si cajiib ah waxaa uga badbaadiyay Froster.
Natiijada ciyaarta ayaa ku dhamaatay gool la’aan iyadoo labada kooxood ay kala qaateen min dhibic, waana kulankii afaraad oo uusan Jurgen Klopp guul ka helin kooxda Saint.
Macalinkii hore Dortmund Jurgen Klopp afarta jeer oo uu ka hortaga Saint – 1-guuldaro iyo 3-barbaro ayuu kala kulmay,