Liverpool oo aaminsan inay gacanta kusoo dhigtay Mohamed Salah

Liverpool ayaa aaminsan inay ugu dambeyn gacanta kusoo dhigtay garabka kooxda AS Roma Mohamed Salah ka dib markii ay ka gudbisay dalab 35 milyan oo ginni ah, sida laga soo xigtay majaladda Daily Mirror ee dalka Ingiriiska.

Xiddiga u dhashay dalka Masar ayaa wuxuu ka mid yahay saxiixyada xagaagaan diiradda u saaran tababare Jurgen Klopp, labada kooxood Reds iyo Roma ayaana ku jiray wadahadallo heshiiskiisa la xiriira.

Mohamed Salah ayaa xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay 19 gool u dhaliyey kooxdiisa Roma, waxaana la fahamsan yahay inuu isha ku haayo inuu usoo dhaqaaqo kooxda ka dhisan Anfield Road oo bishii Janaayo 2014kii ku dhowaatay saxiixiisa ka hor inta uusan ku biirin Chelsea.

Salah ayaa ka tegay kooxda ka hdisan Stamford Bridge isagoo heshiis amaah ah kula biiray Fiorentina ka dib markii uu la qabsan waayey Chelsea, ka dibna wuxuu amaah ku aaday Roma oo markii dambe si joogto ah u iibsatay.

Haatan Salah wuxuu isha ku hayaa inuu kusoo laabto horyaalka England Premier League oo uu sheegay inay ka taallo shaqo aan dhammaan, Liverpool ayaana aaminsan inay Roma aqbali doonto dalabkeeda 35ta milyan oo ginni ah ee ay ka gudbisay 25 sanno jirkaan.