Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa inuu ogolaaday inuu qandaraaska u dheereeyo kooxdiisa Barcelona, sida ay wararku sheegayaan.
29 sanno jirkaan Lionel Messi ayaa wuxuu sii wadanayaa inuu adduunka u caddeeyo sababta loogu doodi karo inuu yahay ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee abid ciyaara kubadda cagta ka dib markii uu xilli ciyaareed kale oo wanaagsan ku qaatay Barcelona, isagoo dhaliyey 54 gool 52 kulan oo uu saftay.
Si kastaba ha ahaatee, mustaqbalkiisa kooxda ka dhisan Nou Camp Stadium ayaa la bilaabay in shaki la geliyo maadaama uu qandaraaskiisu dhacayo xagaaga 2018ka.
Barcelona ayaa xilli ciyaareed xun martay sababtoo ah waxaa horyaalka La Liga ka qaaday kooxda Real Madrid, halka Los Blancos ay sidoo kale hanatay koobka UEFA Champions League. Taasi waxay keentay inay soo baxaan warar xan ah oo sheegaya in uusan Messi ku qancin tayada ciyaartoyda Barcelona ay heysato haatan isla markaana uu diidi karo inuu saxiixo qandaraas cusub.
Laakiin Idaacadda Isbaanishka ah Cadena Ser ayaa haatan caddeysay inay Messi iyo maamulka Barcelona ka heshiiyeen arrimaha qandaraas kordhinta xiddiga heerka caalami ee dalka Argentina.
Warbixintaan ayaa sheegeysa inuu Messi seddax sanno ku dheereyn doono qandaraaskiisa haatan ee kooxda Barcelona, waxaana heshiiska ku jira qorshe u ogolaanaya inuu sannad kale oo dheeraad ah ku dari karo haddii uu u baahdo.
Qandaraaska cusub ee uu Messi la meeldhigay kooxda Barcelona ayaana waxaa lagu burburin karaa 348 milyan oo ginni haddii ay timaado koox dooneysa inay iibsato Messi. Waxaase ay Barcelona u muuqataa inay meesha ka saartay xiiso kasta oo loo qaadi karo saxiixa La Pulga.
Idaacadda Cadena Ser ayaa sheegeysa in uusan Messi saxiixi doonin qandaraaskaan cusub illaa laga gaarayo 30ka bishaan June, sababtoo ah kooxda ayaa haatan isku aadineysa wax walba oo qandaraaskaan la xiriira iyo faahfaahinno loo baahan yahay si loo gabagabeeyo.
Madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu iyo aabaha dhalay Messi ee Jorge ayaana heshiiskaan isla meeldhigay xilli ay Barcelona gashay saman cusub oo uu kooxda u talinaayo tababare Ernesto Valverde.