Liiska ciyaaryahanada uu Tababare Conte kusoo Kordhin doono Chelsea

Tababare Antonio Conte ayaa Shan Ciyaaryahan kusoo jiidi doona kooxda Chelsea hadii uu noqdo tababaraha xili ciyaareedka danbe.

Macalinka qaranka Italy ayaa rajeynaya in dhawaan laga dhigo macalinka cusub ee Stamford Bridge kadib wadahadalo dheer oo uu la yeeshay milkiile Roman Abramovich.

Marka uu soo dhamaado Euro 2016-ka oo France ka dhici doona ayuu macalinkii hore ee Juventus la wareegi doonaa shaxda Chelsea.

Si kastaba, tababarahan ayaa isha ku haya in shan ciyaaryahan uu ku xoojiyo dib abuurida Chelsea cusub.

Wargeyska Italy kasoo baxa ee Gazzetta World, ayaa qoraya in weeraryahanka Paris Saint Germain Edinson Cavani uu kamid yahay shan ciyaaryahan oo uu isha ku hayo tababare Conte.

Daafaca Kooxda Juventus Leonardo Bonucci ayaa kamid ah shaqsiyaadka uu jecel yahay inuu London keeno tababarahan.

Sidoo kale macalinka qaranka Italy ayaa isku dayi doona inuu fursad siiyo ciyaaryahanada amaahda uga maqan kooxda sida Mohamed Salah oo Roma wacdaro ka dhigaya iyo Juan Cuadrado oo isna xili wanaagsan ku qaadanaya amaahdiisa Juventus.

Labada ciyaaryahan ee kooxda Roma Miralem Pjanic iyo Radja Nainggolan ayaa sidoo kale kamid ah ciyaaryahanada uu macalin Conte doonayo inuu dib ugu dhiso awooda Chelsea.

Kubad sameeyaha kooxda Juventus Paul Pogba ayaa kamid ah ciyaaryahanda ay Chelsea lacagaha badan ku baadi goobeyso xili ciyaareedka danbe.

Conte ayaa wajahaya inuu lumiyo qaar kamid ah ciyaaryahanada Chelsea sida PSG oo diyaar u ah iney £40million ku dalbato Diego Costa iyo John Terry oo si bilaash ah kooxda uga tagaya.