Leicester oo soo laabatay, Vardy iyo Mahrez oo dib u helay Bandhigoodii ….

Kooxda Leicester City ayaa guuleysatay dhamaan afartii kulan oo ay ciyaareen tan iyo markii shaqada kooxda si kumeel gaar ah loogu dhiibay kaaliyihii Ranieri ee Craig Shakespeare.

Xidigihii furaha u ahaa guushii taariiqda gashay ee kooxda Leicester ay ku qaaday horyaalka EPL-ka ayaa iyaguna dib uhelay bandhig ciyaareedkoodii wanaagsanaa sida Jamie Vardy iyo Riyad Mahrez.

Ciyaar yahanka heysta abaal marinta xidiga ugu wanaagsan Premier League ee PFA of the year Mahrez ayaa ku lug yeeshay 3 gool , 2 waa uu dhaliyay , 1 goolna waa uu caawiyay tan iyo markii uu kooxda la wareegay Craig Shakespeare.

Sida lawada ogyahay xagaagii hore Mahrez waxa uu ku lug yeeshay 8 gool wadar ahaan 5 gool waa uu dhaliyay 3 goolna waa uu caawiyay kadib 32 kulan oo uu kooxda uciyaaray.

Marka loo eego caawinta iyo fursadaha uu abuuray xitaa sare ayey ukaceen kubad sameeyaha reer Algeria 1.62 ayuu abuuray halka iminka uu abuuray 1.86 , sidoo kale gooysmada uu sameeyay ayaa ah 7.43 kulankiiba halka 6.19 uu sameeyay waayihii uu ka hoos shaqeynayay macalinkii reer Talyaani.

Dhanka kale weerar yahanka xulka England Jamie Vardy ayaa isna dhankiisa sameeyay sare ukac dhanka qaab ciyaareedkiisa ah waxa uu dhaliyay 24 gool isagoo saftay 32 kulan xagaagii hore loomana diwaan gelin wax caawinaad ah xagaagii hore.

Fursadaha uu abuuro weerar yahanka England iyo Leicester City ayaa sare ukacay 0.92 ayuu hore ujoogay halka iminka uu gaaray 1.56 kulankiiba , sidoo kale kubadaha uu ku taabto diilinta 18-aad ayaa sare ukacay isagoo ka yimid 3.88 waxa uuna gaaray 7.02 kulankiiba , gooysmada ama gambiska loo diwaan geliyay ayaa horay u ahaa 1.79 halka uu iminka gaaray 3.12 kulankiiba.