Orodka dheer ee marathonka loo yaqaano ee sanadkan lagu qabtay caasimadda Faransiiska ee Paris, ayaa waxaa guulo muhiim ah ka soo hoyay lamaane Kenyan ah.
Paul Lonyangata oo 32 jir ah ayaa gaaray guushiisii ugu weyneyd ee soo marta, ka dib markii uu ku orday laba saac lix daqiiqo iyo toban seken, waxaana uu sidaa ku qaaday tartanka ragga.
Xaaskiisa Purity Rionoripo, ayaa iyana ku guulaysatay tartanka dumarka, waxaana ay ku oraday laba saac, labaatan daqiiqo iyo kontan seken.
Guusha lamaanahan ayaa farxad gaar u ah orodyahannada Kenya, oo maalmahan ay hareeyeen eedeymo sheegaya in qaarkood ay adeegsadaan dawooyinka mamnuuca ah ee jirka xoojiya.
Waxaa ugu dambeysay Jemima Sumgong oo ku guulaysatay marathonka ciyaaraha olimbikada.