Home XULKA WARARKA Lacag laga Xaday Bankiga Dhexe ee Soomaaliya

Lacag laga Xaday Bankiga Dhexe ee Soomaaliya

SHARE

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Mudane Bashiir Ciise Cali, ayaa xaqiijiyay in  lacag dhan Shan boqol iyo Soddon Kun oo Doollarka Maraykanka ah, $ 530,000 in laga xaday Bankiga dhexe ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray inay haatan socdaan baaritaanno lagu ogaanaya sidee loo Xaday iyo sidoo kale cidii dhacday.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inuu falkaasi uu  ka dambeeyay mid ka mid ah Qasnajiyada Bankiga,kaasoo muddo Bil ah soo dhigayay Lacago Been abuur ah,dabeetana kala baxayay midda rasmiga ah ee halkaasi taalla,wuxuuna intaa raaciyay inuu shaqsigan baxsaday laguna raadjooga,

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Mudane Bashiir Ciise Cali, ayaa sheegay in sharciga la la tiigsan doono cidii lagu helo in ay xaday lacagtaasi.